Dhalmada

Dhaliinka dabadeed ama Dhalmada ka dib

Hambalyo dhalashada ilmahaaga!

La taliyayaasha haweenka uurka leh ee ururka donum vitea waxay diyaar u yihiin dhaliinka ka bacdi inay su,aalahaaga kaaga jawaabaan.

1. Dhalida ka bacdi waxaa jira howlo badan uu u baahan in la qabto ama la xaliyo. Tan ugu horaysa uguna muhiimsan waa umusha, waa marka hooyada iyo ilmaha yar nasanayaan. Xiliga dib u gurashada( minka ama maxalka wuu soo yaraanayaa wuxuuna ku soo noqonayaa meeshii uu joogay uurka ka hor) dhalmada dabadeed hooyada waxay la kulmaysaa dhacaan hoosta ka yimaada, Fooljab, marmarna waxaa ku dhaca baabasiir soo bogsasho ama kabasho dhaawicii dhalmada, dhidid badan oo ka yimaada iyo in naasihii caano soo galaan taasoo la socota xanuun, waxayna soconaysaa usbuucyo farabadan, ilaa jirka haweeneydu sidiisii hore ku soo noqdo, Haddii uu marmar caajis badan ku qabto ama farxad la,aan dareento, ma ahan wax la yaab leh waa iska caadi. Haddiise uu caajiskaas kuugu bato oo muddo ku haayo oo aadan awood lahayn fadlan la tasho lataliyahaaga qaaska ah, Dhaqtar ama Umuliso.

2. Inta ugu horeysa Umulida ayaa adiga iyo ilmahaaga yar idin galbin doonta oo xaaladiina ka warqabi ama la socon doonta. Waxay baaraysaa isbadalka hooyada ku yimid dhalmada dabadeed, koriinka ilmaha yar waxay hooyada ka caawinaysaa sida ilmaha naaska loo siin lahaa. Ilmaha yar markuu dhasho ka dib waa in naaska afka loo geliyaa dhabta lagu haayaa si uu la kulanka hooyadiis ugu raaxaysto. Marka ugu horaysa ilmaha yar wax yar ayuu cabayaa intaas ayaana ku filan gaar ahaan caanaha hooyadda oo ay fitimiino aad u badan ku jiraan. Waa wax caadi ah in ilmaha yar markuu dhasho ka dib  uu culayskiisa ama miisaankiisa yaraado. In aad ilmaha mar kasta naaska afka u geliyo waxay sababaysaa in naasku caano soo galaan.

Haddii aysan suurto gal kuu ahayn inaad ilmaha naaska siisid, waxba ha welwelin. Wadanka Jarmalka waxaa yaala caano ay tayadooda aad u wanaagsan tahay oo ilmaha yar loogu talo galay kuwaasoo ilmaha u fududeeynaaya inay si wanaagsan u koraan.Haddii aad wax su,aal ah arintaas ka qabto la xiriir umulisadda ama qof naasnuujinta qaabilsan.

3. Iskuday in ilmahaaga baaritaan ka hortag ah aad dhaqtarka caruurta  gaysid. Baaritaanka U1 ( waa baaritaanka koowaad) waxuu dhacaa isla markaad dhasho, U2( waa baaritaanka labaad) waxuu dhacaa inta u dhaxaysa maalinta 3- ilaa 10 aad. U3 ( waa baaritaanka sadaxaad) waxuu dhacaa inta u dhaxaysa bisha 3- aad ilaa bisha 4 aad. Dhaqtarka  wuxuu ku siinaa bug yar oo jaale ah,   kaas oo ay ku qoranyihiin natiijooyinkii baaritaanada oo dhan. Ka taxadir in ilmaha aad dhabar dhabar u seexiso taas oo keeni karta hawada ama neefta  oo ku xiranta dabadeedna dhimasho degdeg ah, Iskuna day in ilmahaagu uu sariir isaga u gaara ku seexdo sariirtaasoo aan lahayn kubeerto gooni ah ama dheeri ah, boonbale ay caruurta ku ciyaaraan iyo barkin. Ilmahaaga kulaylka badan ka ilaali markuu  jiifo. Haddii ay dad sigaarka caba guriga joogaan waa inuu ilmaha yar seexdaa qol aan sigaarka lagu cabin.  Ilmaha yar caanaha uu naaska ka uu nuugaayo difaac ayey u kordhisaa. Ka hortagyadaan waxay keeneen in dhimashada caruurta wadanka jarmalka ay sanadihii ugu danbeeyey ay ku dhawaad 80% yaraadeen.

4. Caafimaadka hooyada iyo dhalaanka waa muhiim, Isku day inaad raashin kala duwan oo tayo leh iyo cabitaan badan qaadatid. Waqti nasasho, Iskuna day inaad umulisda weeydiisid habka ugu fudud aad jimicsi u sameyn karto. Waxaa laga yaabaain aad doonasid inaad ilmaha kala fogeyso, haddii ay sidaas tahay waa inaad ninkaaga kala hadashaa arimaha ku saabsan ka hortaga uurqaadista. Qof haweenka uurka leh la talisa ayaad arimahaas oo faahfaahsan iyo caawinad ka helaysaa.

5. Naasnuujinta kama hortagayso inaad uur qaadid. qaasatan haddii ilmaha laguugu soo qalay waxaa lagu farayaa inaad hal sano sugtid inta aad uur kale ka qaadaysid. Waxyaabaha ugu wanaagsan ee uurka lagaga hortagi karo waxaa ka mid ah isticmaalka Kondomka (Cinjirka) ama is xiritaan. Daawooyinka ku jira hormonaha loo yaqaan ( Östrogen) ma isticmaali kartid inta ilmaha yar naaska nuugaayo. Daawooyinka ku jira harmoonaha loo yaqaan ( Gestagen) isda Minipille, Isxirida, ama hormoonaha garabka layskugu talaalo ama la geliyo,ama asagoo cirbad saddex biloodle ha waad qaadan kartaa waqtiga naasnuujinta ilmahaagana wax dhibaato ah uma geysanaayo. Fadlan kala xiriir dhakhtarkaada naagaha, si uu kuugula taliyo midka adiga kugu haboon.

6. Waxaa dhici karta in ilmahaaga yar uu yahay ilmo degan ama qabow. Laakiin waxaa jira caruur badan oo marka hore aan degenayn oohinna badan. Waxaa muhiim ah in aad mar kasta dhabta saarto ilmaha, baahidiisana aad ka warqabtid. Ilmo yar oo oohinta kama aha kibir. Si fiican u xanaaneynta aad ilmaha yar xanaaneyso waxay keenaysaa inuu kalsooni buuxda ku qabo waalidkiisa iyo mujtamaca uu la noolyahay. Kalsoonidani waxay aasaas u tahay la dhaqanka waalidka iyo mujtamaca kale waxay kaloo aasaas u tahay horumarkiisa. Haddii aad dareento inuu ilmahaaga oohin badan yahay ayna kugu adag tahay inaad u dulqaadato, fadlan caawimaad weydiiso umulisadaada ama qof la taliyaha haweenka uurka leh. Dhibka iyo murugadda aad keligaa ku tahay ee ay ilmuhu kugu haayaan waxay keeni kartaa inay arinta xanaaq isku badasho. Haddii aad arrin noocaan ah aad la kulanto fadlan ilmaha yar seexi meel aanan buuq lahayn sida sariirtiisa.adigana qolka ka bax albaabkana xir dibadana xoogaa u yara bax si aad xoogaa isku dajiso. Arintaan waxay marmar dhalisaa inaad aad u xanaaqdo ilmahaaga yarna aad ruxdid ilaa uu aamuso. Arintaas waxay keeni kartaa in ilmaha yar ay maskaxdiisa caafimaad daro xun u keento taasoo keeni karta inuu dhib maskaxda ka gaaro. Wadanka Jarmalka waxaa ka jira caawimaadyo badan oo loogu talo galay ama la siiyo hooyooyinka iyo waalidkaba. Goobaha caawinta laga heli karo waxaa ka mid ah Xaafiiska caruurta ama dhalinyarada, umuliso u gaar ah qoyska, caawinaadaha la siiyo qoyska iyo wixii la mid ah. Dadka la taliya haweenka uurka leh ayaadna talooyin ka heli kartaa waxayna kuu gudbinayaan meesha saxda ah ee kugu haboon ama qolooyinka aad la xiriiri karto. Inaad gargaar dalbato ma ahan wax xun ee waa arrin aad u fiican ama mahee nacasnimo waa geesinimo!

7. Abaabulidda: Dhalmada ka bacdi waxaa jira waxyaabo badan oo in la xaliyo u baahan. Warqadda dhalashada ilmaha yar waxaad ka helaysaa ama lagu sameeyaa xaafkiiska guurka ee dowladda hoose (mararka qaarkoodna isbitaalka aad ku dhashay). Boostada waxaa laguugu soo dirayaa lambarka Canshuurta ee ilmaha yar( Canshuur ID-nambar) fadlan lambarkaas si wanaagsan u xafid. Fadlan dhalmada ka dib ka diiwaan geli ilmahaaga xaafiiska guryeynta iyo socdaalka, xaafiiska qoxootiga, xaafiiska shaqada, haddii aad shaqeyn jirtay la xiriir xafiiska caymiska caafimaadkaada. qaybta adeegga bulshada iyo haddii aad u baahan tahay qolada caymiska. Dalabka lacagtaha caruurta, lacagta waalidka lacagta guryaha ( lacag kale oo gunno ah oo caruurta loogu talo galay iyo lacag ay dowladdu gobolka Bayern keliya bixiso koriimada ama xanaaneynta caruurta ku bixiso) waxayna ku xirantahay sharciga aad haysatid. Haddii aad wax su,aal qabtid fadlan weydii dadka la taliyaha dumarka uurka leh. Haddii aadan aabaha ilmaha dhalay horay isku soo guursan fadlan u tag xaafiiska guurka ama dhalinyaradda si aabaha loogu sameeyo warqad cadaynaysa inuu ilmahaan asaga dhalay. Fadlan isku day inaad ogaatid ama heshid waqti horena sii diyaarsato goobaha caruurta lagu xanaaneeyo. Waxaa jirta in caruurta marhore goobahaas laga diiwaan geliyo.

CookieHinweis

[DE] Die auf dieser Website verwendeten Cookies dienen ausschließlich der technischen Bereitstellung des Webangebotes. | [EN] The cookies used on this website serve exclusively for the technical provision of the web offer.