Isku galmooshada iyo habka uurka layskaga ilaaliyo

Iskugalmada iyo ka hortaga uurka

Lataliyeyaasheena waxay muuqaal guud kaa siin doonaan, iskugalmada iyo ka hortaga uurka, waxaan kugu dhiiri gelinaynaa, in lataliyayaasheena aad weydiin kartid su'aalaha ku saabsan iskugalmada iyo ka hortaga uurka.xataa ragga hadey doonayaan in lagala taliyo arimahan kor ku xusan lataliyayaasheena diyaar bay u yihiin.

 

jirka Haweeneyda

Jirka Ragga

Iskugalmada

Iskugalmada qofkastaa xor buu u yahay

Maalmaha uur la gaadi karo iyo maalmo aan uur la qaadi karin

Uur qaadid ama yeelasho

U iftiimin ama Wacyigelin

Uur iska ilaalin ama ka hortagga ilmaha

 

 

jirka Haweeneyda

Aqoonta wanaagsan ee aad u leedahay habkey u shaqeeyaan xubnaha taranka waxay muhiim u tahay caafimaadka, raaxada iskugalmada iyo qorsheynta ama iska ilaalinta uurka. Qofka dumarka ah waxay leeyahay xubnaha taranka kuwo dibadda iyo kuwo gudaha. Kuwa dibada waxaa ka mid ah ama sidoo kale loo yaqaanaa siilka, waxayna kala yihiin , dibnaha ama faruuraha daboola siilka , afka hore ee siilka iyo kintirka-waa xubin aad u dareen og taabashada. Haddii aad"Gudantahay" waxaa wanaagsan in aad baaritaan caafimaad marto, waqtiga aad uurka leedahay, dhalmada ka hor, ama xitaa marka ay jiraan xanuuno ku lug leh gudniinka kala hadal lataliyahaaga xaga uurka ee aad kalsoonida ku qabto, si laguugu raadiyo ulana xiriirto dhakhtar ama umuliso khibrad u leh xaga gudniinka. "xuubka ku xaydaaran afka hore ee siilka ama loo yaqaan bikrada" waa mid ka duwan naag kasta. Xaaladiisa ma muujinayso in haweenaydaan ay bikro tahay iyo inkale. Xubinta taranka ee gudaha, si fiican bay u dhowrsanyihiin, waana caloosha hoose ee dumarka. siilka wuxuu si toos ah ugu xirmaa ilmo-galeenka, ilmogaleenkana qeybta sare waxaa kaga soo xirma dhuumaha ugxanta qaada dhuumuhuna waxay si toos xiriir ula leeyihiin ugxumaha. Qeybta ugxamaha waxaa ka buuxa ama diyaar ku ah ugxamo, kuwaasoo dhamaantooda ay haweenaydu soo saarto inta aan dhalmada ka guurin. Bil kasta, dumarku waxay helaan caado ama dhiig, dhiigaa ka dibna waxaa bislaada ama diyaar noqda ugxumaha kuwaasoo soo dhex marta tuubada kadibna waxy soo gaaraan ilmo-galeenka. Inta ay jidkaa ku soo jiraan haddii ay la kulmaan shahwada ragga meeshaas waxaa ka dhaca bacrimin. Ugxuntaa bacriman waxay ku dilaacdaa horena qabsadaan ama ku dhegaan derbiga ilmogaleenka halkaasuuna ku koraa ilmaha. Haddii ugxanta aan dilaacin lana kulmin shahwo rageed, way dhimataa ilmagaleenkuna wuu iska soo tuuraa bisha ku xigta oo waa marka caadada ama dhiiga dumarku u yimaado (caadada ama dhiiga haweenka wadanka jarmalka waxay isticmaalaan Tampons ama suufka. Waxaadna ka helaysaa oo ka soo iibsan kartaa suuqa ama dukaamada).

Jirka Ragga

Xubnaha taranka ee ragga ee la arki karo waa guska iyo madaxa guska waa xubin aad xasaasi ugu ah xagga dareenka iyo xiniinyaha. xiniinyaha waxay soo saaraan malaayiin unugyo ah(shahwada). Qanjidhada gudaha waxay diyaariyaan dheecaan, kuwaasoo soo qaada shahwada iyo weliba ilaaliya dhaqdhaqooda ama noloshooda markay soo dhaafaan afka hore ee guska.

Iskugalmada

Markaa aad isku galmoonaysaan oo aad kacsantihiin, ninka wuxuu guskiisa taagan uu gelinayaa siilka naagta.iskugalmooshahan waxay dhalisaa caafimaad ahaan maskaxiyan iyo jir ahaanba iyo farxad. Isku galmooshaha laga taxadirin oo haddii ay shahwada ninka ay ku dhacdo siilka waxaa meeshaa ka dhici kara uur.

Iskugalmada qofkastaa xor buu u yahay

Iskugalmooshada ragga iyo dumarka qofkastaa xor buu u yahay go,aankeedana asagaa iska leh.haweeney kastaa ama ninkastaa asagaa go,aanka iska leh sida ama habka iyo qofka uu doonaayo ama doonayso in ay la galmooto. Isku galmooshaha xooga ah ama khasabka ah wadanka jarmalka waa ka mamnuuc. Qofna laguma khasbi karo isku galmo ama guur hadduusan doonaynin . mida kale wadanka jarmalka waa ka mamnuuc in qof weyn uu caruur ama qof da,duusu ay ka yartahay  16 sano uu la galmoodo ama u galmoodo waxayna ka tahay xadgudub.

Maalmaha uur la gaadi karo iyo maalmo aan uur la qaadi karin

Caadada ama dhiiga dumarka bilkasta ku dhaca wuu kala duwan yahay wuuna kala dheeraan karaa. Qiyaastii laba todobaad ka hor caadada haweenaydu uur way qaadi kartaaama way uureysan kartaa. Ugxumuhu waxay isdhexgal bacrimeed diyaar u yihiin keliya inta u dhexaysa 12-24 saac, shahwada ragga waxay ku sii noolaan karaan gudaha haweenayda 4-7 cisho ama maalmood. Natiijadu waxay tahay muddo barwaaqaysan ee maalmo yar, taas oo ay adag tahay in la ogaado goorta ugxamaha haweenaydu diyaar yihiin, gaar ahaan marka ay caadada ama dhiiga uusan joogto ahayn.

Uur qaadid ama yeelasho

Haddii labada qof ay doonayaan caruur, waxaa muhiim ah in ay isku isku tagida ama isku galmooshada uu u dhaco meesha loogu talagalay(dhinaca siilka) adinkoon isticmaalayn wax uurka looga hortago sida kondhomka. Haddii hal sano ka bacdi uu meeshaas uur imaan, labadiinaba waa in aad dhakhtar la xiriirtaan oo aad baaritaano martaan.

U iftiimin ama Wacyigelin

Wadanka jarmalka caruurta iyo kuwa hadda qaangaarka ah,waxaa isku galmooshaha ama isku tagida ka wacyi geliya waalidkooda siiyana macluumaad ku haboon da'dooda, laakiin sidoo kale dugsiyada waxaa lagu wacyi geliyaa ama la baraa jirkooda iyo iskugalmada.

Uur iska ilaalin ama ka hortagga ilmaha

Marka haweenaydu aysan doonaynin in ay uur qaado ama yeelato,waxaa jira habab badan oo kala duwan oo ilmaha ama uurka layskaga ilaaliyo. Lataliyeyaasha ama dhakhaatiirta waxay kuugula talin doonaan habka ugu wanaagsan, raqiisna ah caafimaad ahaana waxba kuu dhimin.

Kiniini uurka qaadista joojiya wuxuu ka hortagaa ama joojiyaa in ay caado kugu dhacdo. Waana mid aad u sareysa ka hortaga xaga uur qaadista ah, laakiin wuxuu wataa waxyeeladiisa ama saameyntiisa xaga caafimaadka ah.

Kubferka ama maaddada harmoonka waxaa la dhigayaa ilmo-galeenka si aan uur u imaan, wuxuu yareynayaa dhaqdhaqaaqa shahwada iyo ka hortaga isdhexgalka ee ugxanta si aan isku bacriman. Waxaa ku haboon gaar ahaan dumarka hore wax u soo dhaleen carruur.

In lagu talaalo Harmoon, saddex-biloodle cirbad laysku mudo, sharooto harmoon wadata oo garabka lagu dhejiyo, iyo siilka caag lagu xiro  waana harmoono ay aad tayadoodu u sareyso kuwa ugu wanaagsan uur iska celinta waa haddii si sax ah loo isticmaalo.

wwa qalab lagu xiro ilmo-galeenka afkiisa waa caag ama balaasig dabacsan wuxuu na wataa daawooyin laysku dhafay sida kuwa shahwada dila waxaana la dhigaa ilmo-galeenka afkiisa si shahwadu ugu gudbin ilmogaleenka oo halkaaba lagu dilo tayaduna waxay ku xirantahay sida loo isticmaalo.

Hababka dabiiciga ah, sida cabirka heerkulka ama eegida dheecaamada siilka ka yimaada hababkan ma,aha kuwo tayo fiican leh oo in aad uur qaado hubaal ku ah ka hortaga uurka. Sidoo kale in aysan kugu dhicin shahwada ama biyaha ragga ma,aha kuwo la hubo ama laysku hubo in aadan uur qaadayn.

Kondoonka, waa kan keliya oo hadii uu sida loogu talogalay loo isticmaalo hubanti ah marka laga reebo qaliinka tuubooyinka la goynaayo uurna kaa ilaalinaaya iyo weliba wuxuu kaa ilaalinayaa cudurada xaga galmada laysku qaadsiiyo iyo Aydhiska waxaana xirta ninka.

Kiniiniga isku galmooshada ka dib la qaato oo mudada kooban ah  kiniiniyaashan waxaa la qaataa marka adigoon uur doonayn hadana laguu galmoodo sidaa daraadeed waa xaalad deg-deg ah sida ugu dhaqsiyaha badana ah aad u qqadato , waana ugu dambayn inta u dhaxaysa 3-5 cisho ka dib isku galmooshaha ka hor inta aysan ugxumaha dilaacin oo aysan soo dhaadhicin. Kiniiniyadaan waxay dib u dhac dhowr maalmood ku keenaan in ay ugxumaha hore u dilaacaan.

in uu Aydhis kuugu dhaco waa suurto gal haddii jeermiska in tiro ku filan uu jirkaada soo gala sida (dhiigga, shahwada, dheecaanka siilka ka yimaada, caanaha naaska, iyo sidoo kale dhaawac kaa soo gaaro isku galmooshaha xaga xubinta taranka, ama duburka ama dabada layskaga ama isku jaqidda ama afka oo la geliyo guska ama siilka). Kondomka waa ilaaliyeoo wuu kaa ilaalinayaa Aydhiska! Haweeneyda uurka leh, tah foosha ah, ama mida naaska nuujisa waxay cudurka u gudbin kartaa ilmaheeda yar, in ay qaadsiiso waxaa loogu badbaadi karaa iyadoo ay daawooyin qaadato. Siadaa daraadeed kala tasho ama la xiriir dhakhtarkaada ama dhakhtaradaada.

Kondomku wuxuu sidoo kale difaacaa ama ilaaliyaa cudurada galmada lagu kala qaado, sida Waraabowga, Jabtada ama Cagaarshowga ama jooniska.

Wixii intaa ka badan oo macluumaad ah booqo barta interneetka cinwaankeedu yahay www.zanzu.de iyo www.bzga.de Wasaarada Caafimaadka ee dowladdda dhexe (BZgA) si aad u ogaato ayadoo luqado badan lagu tarjumay ama ay ku qoran yihiin.

CookieHinweis

[DE] Die auf dieser Website verwendeten Cookies dienen ausschließlich der technischen Bereitstellung des Webangebotes. | [EN] The cookies used on this website serve exclusively for the technical provision of the web offer.