Talosiinkooban

Talosiin - waa maxay?
Caafimaad qab – hadana u socda ama u baahan weli dhakhtar?

Waxaan jeclaan lahayn inaan idiin bandhigno horudhacku saabsan arrimaha bulshada iyo habka caafimaadka ee dalka Jarmalka iyo in aan kuu soo bandhigto in aan alo kaa siin doono uurka taasoo lacag la,aan ah ahna mid xor ka ah laxjaclaysi.

Haddii aad tahay qof dhibaato haysata ama aad u baahan tahay talo, waxaad heli kartaa meelo badan oo talo iyo gargaarba lagaa siiyo .caawinaadani wadanka Jarmalka waa iska caadi dadkuna way la dhacsanyihiin.

1. Waqtiga Uurka:

Haweeney kasta oo nin walba wuxuu xaq u leeyahay talooyin ku saabsan arrimaha galmada, iyo qorsheynta qoyska ama kala fogeynta caruurta iyo uurka. (§ 2.1 Sch KG)

Intaa waxaa dheer, sharcigayaga wuxuu dhigayaa in "Hooyo kasta waxay xaq u leeyahay ilaalin ama caawinaad iyo daryeel bulshadadeed." Dhammaan haweenka uurka leh waxay xaq u leeyihiin baaritaan dhamaystiran umulisada (4 isbuuc kasta baaritaan, labada bilood ee uurka u dambeysa , labadii toddobaadba mar ) dhakhtareed ama Umuliso. Waxaad dooran kartaa dhakhtarka, Umulisada, waxaad ka qeyb geli kartaa koorsooyinka diyaargarowga dhalmada iyo sidoo kale waxaad dooran kartaa xarunta dhalmada. Waxaad lagu siin doonaa buugyar oo ku saabsan uurka iyo dhalmada haweeney kasta oo uur leh waxay mari doontaa ugu yaraan saddex baaritaan Ultrasound( Combiyuuter).

Laga soo bilaabo marxaladda qorshaynta qoyska, inta aad uurka leedahay iyo ilaa maalinta saddexaad ka dib marka uu ilmahu dhasho waxaad heli kartaa talosiin. Waxaan kaala talin doonaa kaalmooyinka la lagu siiyo(Soshaalka), wixii dhibaato dhaqaale ku saabsan, arrimaha caafimaadka, isku dhacyada ama khilaafka qoyska dhexdiisa ah, raadinta guryaha, umuliso,waqtigaada firaaqaha ah sidii aad u qaadan lahayd, waxyaalaha aasaasiga u ah ilmaha markuu dhasho, in lagaa caawiyo, xaga dowladda ... iyo waxaan ku sii hagaynaa waqtiga ku haboon iyo meesha ku haboon la talinta. 

markaad dhasho ka dib, waxaad heli doontaa warqadda dhalashada ilmaha waxaadna ka dalban kartaa xafiiska diiwaangelida ee dowladda hoose, haddii aad leedahay Umuliso kugu soo kormeerta guriga waa in aad ka faa,iideysataa waqtiga ay kula joogto una isticmaashaa wixii baaritaan ah ee ilmaha yar u baahanyahay. Xafiiska Guriyeynta iyo Socdaalka ama dadka soo galootiga ah , kuwa soshiyaalka iyo Xafiiska dowladda ee dadka Qaxootiga iyo soo galootiga waxay kaaga baahanyihiin koobi ah warqada dhalashada ilmaha yar. 

2. Dhibaatooyinka waqtiga Uurka:

Mararka qaar waxaa dhacda in aad uur qaado waqti aan munaasab ahayn. Waxaa laga yaabaa in aad niyad jabsantahay iyo nolosha aad ku jirtana aad ku farxasanayn, wax ku caawiyana aadan haysan, taasoo ku dhalinaysa welwel iyo cabsi mustaqbalka?

Waxaan ku siinaynaa waqti kugu filan oo xaaladda noloshaada aan kaala talino, iyo in aan sirtaada xafidi doono. Isla waqtigaa,anaguna waxaan kuula raadin doonaa xal kaaso ku saabsan rajada noloshaada iyo ilmaha dhalan doona weliba waxaa kaloo diyaar kuula nahay caawinaado kala duwan.

Haddii aad doonaysid in uurka iska soo xaaqdid ama iska soo ridid 12 todobaad ee ugu horeeya gudahood, in aad ku raadsatid ama kula xiriirtid cisbitaalda dowladda, aadna martaa habka sharciga ah marka aad soo booqato xarunta la talinta ee gobolku leeyahay. Ee haweenka uurka leh loogu talagalay. Waa in ugu yaraan 3 maalmood u dhexeeysaa Tashiga iyo iska soo xaaqida uurka. Talsiinta ka dib hadaad doonayso waxaa lagu siinayaa warqada ogolaanshaha oo dhamaystiran wixii talo muhiim ahna ku lifaaqan. Iska soo tuurida Uurka waxaa jira labo siyaabood oo kala duwan daawo ama qaliin waxaa laga yaabaa in daawo ama qaliin in laguugu sameeyo waxaaana arintaas kaala talin doona dhakhtarka. Haddii aad qabto baahi dheeri ah ama aad u baahantahay talooyin dheeraad ah waxaa diyaar kuula ha lataliyayaashaada.

3. Baaritaanka dhalmada ka hor:

Waqtiga uurka aad leedahay dhakhtarka dumarka (jiinekologistaha) wuxuu fursad kuu siinayaa in la baari karo ilmaha yar ee aan weli dhalan ee ku jira caloosha. Suurogalna ay tahay in in cuduro badan ka hor dhalashada ilmaha la ogaan karo. baaritaanada waxay kugu yeelan kartaan saamayn taasoo kalsooni ama welwel kugu abuuri karta..Waxaan kaala talin doonaa hadba go'aanka aad qaadato ama ha noqoto in aad ogolaato baaritaanka ama aad diido (kharashka).

Haddii ilmaha yar ee calooshaada ku jira lagu arko xanuuno aan caadi ahayn, waxaan kuu caawin doonaa si weyn u diyaargarowga dhalashada ilmaha- haddii aad go,aansato in ilmahaan yar ee xanuunsan welina caloosha ku jiro iska soo tuurto go,aankaas ma sahlana sidaa daraadeed waan kugu garab istaagaynaa.

4. Ma dhalaysnimo ama caruur la,aan aadan dooran:

Haddii aad magangalyo doon dalka Jarmalka ka tahay , si toos ama joogto ah uma lihid caymiska caafimaadka. Waxaana lagu daaweynayaa lacag la,aan wixii xanuun degdeg ah ee kuugu dhaca. Carruurta, haweenka uurka leh, dhibanayaasha iyo dadka naafada ah waxay helayaan caawinaad dheeri.Haddii aad uur hore u qaadi weyday ama ilmo la,aan ku haysato, taasi micneheedu waxay tahay hadii aad doonaysid in lagaa daaweeyo xaga taranka in kharashka oo buuxa adiga iska bixinayso.Si kastaba ha ahaatee, waa in aad sugtaa inta aad ka helayso caymis caafimaad oo buuxa kadibna aad gudagasho baarista iyo daaweynta caruur la,aanta baaristaas waxay iskugu jirtaa (qiimo-jaban), diyagnostikada tusaale ahaan la socodka caadada,Ultrasound iyo baarista harmoonada,shahwada ninka .... Waana in aad ogaadaa ninka iyo sidoo kale qofka dumarka ah isku si loo baaro, maxaa yeelay, sababaha madhalaysnimada way u simanyihiin ninka iyo naagta. Wixii talo iyo tusaaleba ah ee ku saabsan dhalmada fursadaha iyo weliba dhibaatooyinka barbar socda daaweyntooda ayaan talooyin muhiim ah kaa siinaynaa haddii ay noqon lahayd kadib daaweynta oo suurogeli karto in aadan uur qaadin taasoo laga yaabo in ay kula soo deristo tiiraanyo, xanaaq badanama walbahaar, masayr, adigoo dareento uur la,aanta in aad sabab u tahay,cadaadis badan oo kaaga yimaada qoyska,khilaaf idiin soo dhexgala adiga iyo odayga, sidaad u aragto mustaqbalka iyo jidadka kaloo kuu furan… in aan kaa caawino.

5. is maquunin ama awood isu sheegasho:

Dumarka iyo ragga way simanyihiin dalka jarmalka. nooc kastoo awood u sheegasho ama maquunin dumarka , ragga iyo caruurtaba ah, xag maskaxiyan ama jireed xataa kuwa is qaba ama qoyska ah waa ka mamnuuc waxaadna ku mudan nkartaa ciqaab xarig ah. Fadlan la soo xirii lataliyaasheena ee aad ku kalsoontahay waxaan diyaar kuula nahay caawinaad iyo ilaalin.hadaad u baahato caawinaad degdeg ah kala xiriir telefoonka lacag la,aanta ah oo weliba qarsoogida ah telefoonkaas oo diyaar kuula yihiin dad luqado badan oo kala duwan ku hadlaayo: 0800 0116016.

6. Dhalid qarsoodi ah:

Haddii aadan ogayn, in aad uurka aad leedahay aad rabto in aad qarsoodi ku dhasho ama, in aad ciriiri ku jirto,oo aad ka fikirto go,aansatana in ilmahan keligaa dhasho, fadlan ka faa'iidayso ​​fursadaan talosiinta ee ku saabsan dhalid qarsoodi ah.

Waxaad awoodi kartaa in ilmaha aad cisbitaal ku dhasho ilmahaasoo caafimaad qaba adigoo macgacaada aadan sheegin. Waxaan diyaar kuula nahay talo iyo tusaale inta aadan dhalin ka hor iyo ka dib ba. Waxaad heli doontaa caawimad kasta oo aad u baahantahay. Ayadoo la ilaalinaayo xuquuqdaada iyo xuquuqda ilmaha yar ee hadda dhashay.Waqti xaadirkan xaaladaada waxay u muuqataa mid rajo beel ah - dhalashadaan qarsoodiga ah waxay kuu ogolaanaysaa waqti ilaa ku siman(bisha ugu horeeysaa markaad dhasho ka dib ilaa dhamaadka inta la ansixinaayo qofkale oo korsada ilmahaan yar). Haddii aad rabto ama awoodo in ilmahaaga aad adiga korsato ama aad go,aansato in ilmahaan yar aadan awoodin in aad koriso mustaqbalna u dhisto, ilmahaan yar waxaa la siinayaa waalidiin kale oo ku koriya jacayl. Adiguna Keligaa ma tihid! Waxaan hiil iyo hooba kula garab taagan! (dad ku hadlaaya luqado badan oo telefonka kuugu caawin doona 0800 4040020).

CookieHinweis

[DE] Die auf dieser Website verwendeten Cookies dienen ausschließlich der technischen Bereitstellung des Webangebotes. | [EN] The cookies used on this website serve exclusively for the technical provision of the web offer.